Booliiska Gobolka Soomaalida oo ku raad jooga Cabdi Ciise oo loo haysto falal anshax xumo ah & rakaato

0

(Hadalsame) 30 Maarso 2021 – Booliiska maxalliga ah ee Gobolka Soomaalida ayaa barwo soo qabasho ah u jaray Cabdi Ciise oo loo haysto inuu rakaateeyey gabar Soomaali ah, kaasoo sidoo kale abaal marin la siinayo qofkii xogtiisa keena.

”Booliska DDS waxa uu Bulshada Deegaanka ku Wargelinayaa in Ninkan Sawirkiisu Idiin Muuqdo oo lagu Magacaabo Cabdi Ciise oo Meelo Deegaanka ka baxsan iyo Dalkaba. Muuqaalo Anshax Xumo ah ka Duubay Gabadh Soomaaliyeed, ayaa Waxaa loo malaynayaa In uu ku Dhuumanayo Diredhaba iyo Nawaaxigeeda. Hadaba Cidii Aragta Ninkan Eedaysanaha ee Sawirkiisu idiin Muuqdo,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliiska Maamulka.

”Waxaa Si Naxariisle la idiinka Codsanayaa in aad Soo Sheegtaan oo Aad Nagala Soo Xidhiidhaan. Hadaba Cidii ku Guuleysata Soo Sheegida Ninkaas ku kacay Falalka Anshaxa ka Baxsan Waxaan u sheegaynaa In la siin Doono Abaal Marin.

”Sidoo kalana Waxaan Dadweynaha Uga Digaynaa In ay iska Ilaaliyaan Falalka Noocaas oo kale ah. Dhana uga Soo Wada Jeedsadaan Ladagaalanka Falalanka Dhanqakeena Lidka Ku ah. Ilaaliyaana Dhaqanka Suuban ee Bulshadeena lagu Yaqaan.” ayaa la daba dhigay.

Ninkan ayaa ku eedeeysan inuu rakaato ku samaynayo fanaanadda Safiyo Tusmo.

Hadalsame Media