Imisa MASHRUUC oo micne leh ayuu MW Magufuli dalkiisa ka hirgeliyey kahor dhimashadiisii isagoo aan dibedaha u safrin? + Sawirro

0

(Hadalsame) 25 Maarso 2021 – Madaxweyne John Magufuli, wuxuu Tanzania ka dhigay waddan dakhligu dhexdhexaad yahay.

Wuxuu diiday 10 bilyan oo doollar amaah ahaanna Shiinahu u siin rabay. Ma uusan aadin safarro dowladeed oo ka baxsan qaaradda Afrika. Wuxuu hoos u dhigay tirada golaha wasiirrada oo markii hore ahayd 30, kana dhigay 19 wasiir. Wuxuu ka mamnuucay saraakiisha dowladda, safarrada dibadda, isagoo joojiyay cashuur dhaafka.

Magufuli waxa uu ku amray shirkad Ingiriiska laga leeyahay oo lagu magacaabo Acacia Mining, macdan sharci-darrada ahna ka guran jirtay Tanzaaniya, in ay bixiso adduun dhan $ 193 bilyan oo doolar, si loo qiimeeyo dahabka ay ka dhoofineysay Tansaaniya iyo saddex mines “, meelaha macdanta laga qodo.

In ka badan 250 konteenar oo ay lahayd shirkaddaa ayaa lagu qabtay dekedda Daarusalaam, waxay bixiyeen $ 300 milyan, iyadoo siisay Tansaaniya 16% lahaanshiyaha 3 miino oo macdanta laga qodayey.

Sannadkii 2016, wuxuu soo bandhigay waxbarashada bilaashka ah ee iskuullada dowladda, wuxuu helay ama ku guuleystay 6 diyaaradood oo ah “Air Tanzania”, wuxuu ballaariyay Terminal-ka saddexaad ee Julius Nyerere International Airport.

Wuxuu dhisay Tansaaniya Standard Gauge Railway, Mfugale Flyover, Julius Nyerere Hydropower Station, Ubungo Interchange, mashruuca dabaysha tamar ka dhalinta, Mashruuca Isbitaalka Uhuru, warshad soo saarta dahabka, iyo Terminal-ka Basaska Magufuli.

Dr. John Magufuli, aad ayuu wax kaga qabtay kaabayaasha dhaqaalaha, waxaase lagu eedeeyaa xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo caburinta mucaaradkiisii.

R. New Africa

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media