Saxaafadda Kenya oo samaysay sheeko aysan nuxurkeeda jeclaysanin Dowladda Kenya

0

(Nairobi) 25 Maarso 2021 – Warqaadka afka dheer ee The Nation ayaa markan woxoogaa garasho guud ah iska baaray isagoo sameeyey kartuun aysan jeclaysanin Dowladda Kenya oo uu ku yara durayo mowqifka ay ku gaareen in halkaa qaxootiga laga raro.

Wuxuu kartuunku muujinayaa inay Kenya qaxootiga u adeegsanayso aalad ay cadaadis ku saarto DF Somalia, si ay uga dabacdo dood-afeedka ku aaddan dhul-badeedka ay Kenya sheeganayso.

Waxaa ka muuqda Dowladda Kenya oo balaakiin sidata taasoo ay ku taakaysay teendho ay ku jiraan qaxootiga ay Soomaalidu ugu badan tahay si ay u fujiso MW Somalia oo dhanka kale ka haysta meel ay ku dul qoreen ”xadka badda”.

Sawirkan ayaa duraya anshaxa lagu dhisaalay go’aanka ay Kenya xeryahaa ku xirayso, iyadoo dadka shacabka ah ee ka fal-celiyey qaarkood aysan xitaa ku farxin dhadhanka sawirkani bixinayo.

Hoos ka eeg….

Hadalsame Media