AC Milan oo noqotay kooxda caalami ahaan ugu shacbiyadda badan Talyaaniga oo idil (Halkee galeen kooxaha kale?)

0
MILAN, ITALY - OCTOBER 17: Zlatan Ibrahimovic (C) of AC Milan celebrates his second goal with his team-mates during the Serie A match between FC Internazionale and AC Milan at Stadio Giuseppe Meazza on October 17, 2020 in Milan, Italy. (Photo by Marco Luzzani/Getty Images)

(Hadalsame) 24 Maajo 2021 – Sahan la sameeyey ayaa lagu ogaadey in AC Milan ay tahay kooxda ugu magac dheer Talyaaniga marka la eego dalalka Shiinaha iyo Maraykanka, taasoo muujinaysa shacbiyadda kooxda ee sare tiiyoo ay 7 sano ka maqan tahay CL.

Qiimayn ay YouGov samaysay oo lagu eegay 6 hab-raac sida aragtida taageerayaasha, soo jireenimada, tayada kubadda ay kooxdu ciyaarto iyo guulaha ay gaartey iwm, ayaa Milan kasoo qaaday booska 1.9 iyadoo hadda heshay 6.1, taasoo ka dhigan inay tahay kooxda 8-aad ee ugu caanka Maraykanka.

Kooxaha safka hore ku jira dhanka Maraykanka waa Manchester United, Real Madrid, Barcelona, Manchester City, Liverpool, Chelsea iyo Bayern Munich.

Dhanka Shiinaha Milan waaba kasii xooggan tahay oo waxay heshay 14.9, iyadoo ay kaliya ka horreeyaan kooxaha sanadihii dambe kacsanaa ee Real Madrid iyo Barcelona oo qura.

Dhanka Talyaaniga xitaa shacbiyadda Milan cirka ayay markale isku shareertay sanadkii tegey oo qura, iyadoo ka timid 7.3 balse haatan joogta 22.5, waxaana ka horreeysa Juventus oo 9 sano oo xiriir ah horyaalka qaadaysey oo qura oo lafteedu kasoo dhacday 33.8 haatanna haysata 30.4.

Inter Milan ayaa haatan horyaalka Serie A hoggaaminaysa, yeelkeede, waa uun kooxda 3-aad ee ugu caansan Talyaaniga iyadoo haysata qiimayn dhan 18.1.

Hadalsame Media