DHEGEYSO: Sahan laga sameeyey Sweden ayay dadku kaga hadleen sida ay u arkaan tallaalka Covid-19

0

(Stockholm) 24 Maarso 2021 – Kaliya 6 ka mid a 100kii qofood Ayaan doonaynin in laga tallaalo durayga Covid-19, sida ka muuqata sahan ay samaysay Novus oo la shaqaynaysa Idaacadda Sweden.

Novus ayaa dad gaaraya 16 kun oo ay da’doodu u dhaxayso 18-84 jir waydiisey sida ay u arkaan tallaalka Covid-9, iyadoo 9 ka mid ah 10kii qofiba ay tallaalka ogolaadeen.

Weliba su’aalaha ayaa lagu beegay laba todobaad oo ka mid ahaa bishii Febraayo oo ahayd markii hakadka la geliyey tallaalka Astra Zeneca si loo baaro raad-reebkiisa xun.

Prof Jessica Nihlén Fahlquist oo ka tirsan Jaamacadda Uppsala Universitet oo daraasad ku samaysay anshaxa tallaalka, waxay sheegtay in haddii ay sarreeyso kalsoonida dadwaynuhu tallaalka ku qabaan, ay muhim tahay in ay maamulladu ay noqdaan kuwo daah-furan oo ay ka hadlaan haddii ay waxyeello la socoto tallaalka, sida laga sheegay midka AstraZeneca.

Hadalsame Media