DEG DEG: Wasiir Gaashaandhigga Talyaaniga oo Muqdisho ka degey + Ujeedka

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2021 – Waxaa goor dhowayd magaalada Muqdisho ka degey wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga.

Wefdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Talyaaniga, Guerrini Lorenzo, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneral Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka ayaa indha indhayn doona sida uu Talyaanigu uga qayb qaadan karo dib u dhiska haatan socda ee Ciidanka Xoogga, gaar ahaan dhinacyada qalabaynta iyo mug dhisidda aqooneed.

Talyaaniga ayaa ka mid ahaa dalalka ugu horreeya ee taageeri jirey Ciidanka Qalabka sida ee Somalia, marka lagu daro Ruushka iyo Jarmanka oo aad u taageeri jirey Booliiska Somalia.

Hadalsame Media