DHEGEYSO: ”Ma dhegeysan kartaa dadwaynaha!” – Booliiska Sweden oo lagu haysto qalab wax lagu dhegeysto oo ay isticmaalaan

0

(Gothenburg) 23 Maarso 2021 – Booliiska Sweden ayaa bilaabay inay dabagal iyo baaris ku sameeyaan boqollaal la tuhunsane iyagoo adeegsanaya aaladda wax lagu dhegeysto ee Encrochat oo sidoo kale hadalka lagu soo saaro xiraha ku jira wararka baaqa ah.

Xogta agabkan ayaa la ogaadey kaddib markii lagu dhegeystey kooxo gaangis ah oo ka jira magaalada Göteborg oo shalaytoole 15 ka tirsan maxkamadaytooda oo ah mid ka mid dacwooyinkii ugu waawaynaa ee abid magaalada ka dhaca ay bilaabantay.

Encrochat ayaase booliiska dalal badan oo Yurub ah ka caawiyey inay sii ogaadaan min qorshaynta daabulka daroogada ilaa dilalka qorshaysan, taasoo keentay in hannaankan dijitaalka ah ay sidoo kale dalbadaan Booliiska Sweden.

Balse Thomas Olsson oo qoraal ka kooban 19-bog u diray Maxkamadda ayaa ku doodaya in tillaabadani ay ka hor imanayso xorriyadda madaniga ah maadaama la dhegeysanayo dad aan caadiyan wax dembi ah ku eedaysnayn balse la qiyaasayo inay geli karaan, taasoo ay booliisku hadda sameeyaan sida uu qoray, isagoo tilmaamay inay taasi dhowr meel ka burrinayso xeerka ka degsan akhrinta xogaha sirta ah.

Ekot ayaa isku dayday inay hesho dacwad ooge Helena Treiberg Claeson, balse waxay saxaafadda u jiheeyeen inay wixii ku saabsan sharciyadda tillaabada booliiska waydiiyaan Waaxda Howlgallada Maxalliga ah ugu qaybsan Booliiska Sweden, kuwaasoo Ekot u sheegay inay ogyihiin inuu jiro garsoore xukumay in tillaabada uu Faransiisku qaaday ay leedahay asaas sharci ku fadhiya.

Hadalsame Media