XOG: Beesha caalamka oo qorshe u dejisey xallinta khilaafka taagan & shuruudaha lasoo rogey

0

(Muqdisho)) 22 Jan 2021 – Waxaa maanta dib u dhacay shirkii la filayey inuu ka furmo Xerada Ciidamada Cirka ee Afisyooni, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen laba ka mid ah madaxda Maamul-goboleedyada, tiiyoo ay jirto inay halkaa tageen Madaxda sare ee DF iyo qaar ka mid ah Maamulladu.

Waxaa haatan soconaya qorshe ay waddo beesha caalamka oo haatan u muuqata midda isu jiid jiidaysa madaxda isku dheggan, kaasoo ah in marka hore la xalliyo arrimo muhim ah oo hor taagan in la is fahmo.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo marba shuruudo cusub soo rogaya ayaa la isku deyayaa in fursad kale la siiyo iyadoo ugu badnaa muddo 2 maalmood ah la hollin doono in la kaawiyadeeyo meelaha ugu daran si kulanka loo bilaabo.

Waxaa haatan soconaya kulamo ka jira daaha gadaashiisa oo lagu xallinayo shuruudo horaadyo cusub oo ay keeneen madaxda shirka ku casuuman qaarkood.

Beesha caalamka oo ah midda maalgelisa dib u dhiska dowladnimada dalka ayaa sheegtay inaysan furnayn wax fashil la yiraahdo, iyadoo loo baahan yahay in la saxiixo heshiiskii hab-raaca arrimaha doorashada ee 17-kii Sebtembar lagu gaarey magaalada Muqdisho.

Hadalsame Media