DHEGEYSO: ”Hadda uma dheeli karo sidii hore” – Zlatan Ibrahimovic oo qiraal sameeyey

0

(Stockholm) 22 Maarso 2021 – Arbaha kubadda cagta reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic oo uu wehliyo macallinka xulka qaranka ee Janne Andersson ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Stockholm kahor ciyaarta isreebreebka Koobka Adduunka.

Ibrahimovic oo ay qaranka ugu dambeysey kulankii guuldarrada ku dhamaaday ee Koobka Qaramada Yurub ee ay Belgium heerka guruubyada ku wajeheen 23-kii Juun 2016-kii ayaa la waydiiyey waxaa maalintaa ilaa haatan oo uu 39 jir yahay iska bedeley.

’’Waxaan aaminsan ahay in markasta oo ay gu’ ii kordho uu dulqaadkaygu badanayo, waxaan kaloo bartay in wixii xumaan ah oo iga dhan ah aan shidaal ka dhigto.

Ibra ayaa Khamiista gurigiisa ku wajahaya xulka Georgia. Kahor inta aanu Axadda kulan kale oo ka tirsan isreebreebka KS2022 la ciyaarin dalka Kosovo.

Yeelkeede, Zltan oo shalay noqday laacibkii ugu da’da waynaa ee abid 15 gool ka dhaliya horyaalka Serie A oo uu AC Milan u safto ayaa qiray inuu ogyahay inuusan haatan ahayn laacibkii uu beri ahaan jirey.

’’Waxaan qabaa inaan gebi ahaanba noqday laacib kale, hadda qaab kale ayaan u ciyaaraa, hadda wax uma samayn karo sidii aan yeeli jirey 5-20 sanadood kahor.’’

Hadalsame Media