GOTHENBURG: Dacwo ka mid ah kuwii abid ugu waynaa oo lagu maxkamadaynayo kooxo gaangis ah oo bilaabatay (Dhegeyso)

0
View over Gothenburg city centre

(Gothenburg) 22 Maarso 2021 – Waxaa maanta Göteborg lagu maxkamadaynayaa 15 qofood oo ku eedaysan ka qayb qaadashada rasaas la isku waydaarsadey magaalada gugii hore iyo eedo kale oo ay ka mid yihiin kiisas kale oo isku day dil ah.

Shilkan ayaa lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay khilaaf muddo dheer soo jiitamayey oo u dhexeeya baandooyin kala geddisan oo dembiyada u abaabulan oo ka jira xaafadda Biskopsgården ee degmada Hizingen, sida ay sheegtay Anna Bergqvist oo ah dembi baare ka tirsan Booliiska.

9 qofood ayaa loo haystaa inay si wada jir ah u qorsheeyeen dilkaasi, waxaa sidoo kale loo haystaa inay xitaa dambeeyeen khaarajinta dad qaraabo la ah 3 ka mid ah dadka la diley.

Dhacdadan ayaa salka la gashay baandooyinka gaysta dembiyada abaabulan ee ka jira xaafadda Biskopsgården oo uu muddo ka dhex taagnaa khilaaf daba dheeraaday, waxaana soo qabashada dadkan qayb ahaan gacan ka gaystey booliiska oo fahmey hadallo baaqyo ahaa oo ay dhinacyadu is waydaarsanayeen iyaga oo wada xiriiraya.

Baaritaanka la sameeyey iyo dacwaddan haatan socotaa waxay ka mid yihiin kuwii abid ugu waawaynaa Göteborg, balse eedaysanayaashu weli waa diiddan yihiin inay wax dembi ah galeen.

Hadalsame Media