Kenya waloow ay dacwadda ka baxday misna waxay ICJ u gudbisey qoraal ka kooban 60-bog

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2021 – Gardoonkii Soomaaliya ku metelayey Maxkmadda ICJ si heer sare ah ayey dood, maragyo cad cad iyo durid caddeymaha Kenya, soo gudbisatay uga jeediyeen saddexdii (3) beri ee Soomaaliya, lahayd dhagaysiga garnaqsigeenna.

Asteynta Maxkamaddu dejisay ayaa ku koobnayd soo gudbin caddeymo, dhageysi, sharrixid iyo fursad afmaal sharci ah oo qareennadu kuwaba kuwa kale ku durayaan caddeymaha ay Xeerbeegtiga horkeeneen oo keliya.
Kenya, oo afar (4) beri ka hor maalinta dhagaysiga ku wargelisay Maxkamadda in aysan imaan kareyn oo wakhti iyo fursad ay caddeemo dheeri ah ku keento dalbatay. Hayeeshee laga diiday ayaan joogin dhageysiga. Kenya ayaa ku raad gadanaysa in saameynta Covid 19 dartii aysan caddeymihii ay rabtay oo dhan wada helin.

Si ay taas u caddeyso Kenya ayaa qiraal saxiixan oo lixdan (60) bog ah oo Madaxa Baaridda Caddeymaha, Charles Gurdon ka qortay u soo gudbisay Maxkamadda. Charles Gurdon, wuxuu u meel dayayaa in caddeymo raasumaal u noqon kara Kenya uu baadi goobayo.

Charles Gurdon iyo Kenya, ayaa caddeymaha ka raadinaya National Archives (UK), SOAS Library, Bodlein Libraries (Oxford University), Royal Geographical Society, National Library of Scotland, Energy Institute of Library, the Library of Congress (USA), British Library iyo kuwa kale oo ugu weyn yahay The Italian Archives of the State sida qiraalka Charles Gurdon, ku saxiixan yahay ku cad.

Raad gadashada Kenya, kama gadmin Maxkmadda ICJ in ay baajiso dhageysiga. Maxkamadda ayaa Kenya kula talisay in ay timaado dhageysiga. Hayeeshee, Kenya ma yeelin!
Maxkamaddu dhageysiga ayey gudo gashay oo garyqanaadda Soomaaliya ayaa jeediiyey hadal, keenay caddeymo mug leh oo sharraxaya xariiqa Kenya ee muranka abuuray iyo cabirka Soomaalidu leedahay sida loo dhigayo.
“Muddaci marag waayey, waa Ido maadh* waayey” ayaa horrey loo yiriye, garyanaadda oo ku hubbeysnaa caddeymo, (iyo marag ay ka helayeen caddeymaha Kenya soo gudbisay) iyo sharrixid gun iyo baac dheer leh. Afar (4) saac iyo badh oo keliya ayaa garyaqaanadeennu saddex (3) beri oo ay heysteen ku falkiyeen xogtii rasmiga aheyd ee hayeen.
Garyaqaannadda Soomaaliya ayaa sharraxay sida xariiqa qalfool qaaradeedka Soomaaliya u dhacayo. Qareennadeenna ayaa codsaday in xariiq sinnaan leh (equidistance line) laga qaado xadka labada dal u kala dhigeen gumeystihii (Ingiriiska iyo Talyaanigu).
‘‘Equidistance line’’ waa xariiq siman oo toos ah looga qaado labo (2) bar oo xadka labada dal ”in siman” u wada jira si haddii badda labada dal wadaagaan meelo ka leex leexato ama qar ka yeelato aysan u saameyn xariiqa sameyntiisa.
‘‘Equidistance line’’ waa xariiq cabir oo aad uga wanaagsan kan toosan ee ‘‘perpendicular line’’ loo yaqaan. ‘‘Perpendicular line’’ ayaa Soomaalida u xaq badan. Hayeeshee Garqanaadda oo yaqaan sida Maxkamaddu garta iyo guddoonka u gasho ayaa ‘‘Equidistance line’’ ka doortay ‘‘Perpendicular line’’ in ay ku doodaan.
Soomaalidu waa gardoon u qoor dhiibtay Xeerbeegti lagu xulay aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh amuuraha dowladaha dhex mara. Waxa aan sugnaa waa guddoomin iyo caddaalad in ay Soomaaliya ka hesho Maxkamadda horteeda oo baddeenna laga saaro muranka.

Halkaas maanta hanoo joogto…..

Waxaa Diyaariyey: Mahad Geelle

Hadalsame Media