Gabar kalkaaliso ah oo lagu soo boodey deetana dhimatay kaddib markii ay qaadatay tallaalka AstraZeneca

0

(Tbilisi) 20 Maarso 2021 – Kalkaaliso Georgian ah ayaa wax qallal oo kale ihi kusoo boodeen kaddib markii ay qaadatay kuurada 1-aad ee tallaalka AstraZeneca ee looga gaashaanto Covid-19 kaddibna waa dhimatay.

Megi Bakradze oo 27-jir ahayd ayaa qaadatay tallaalka lagu muransan yahay ee UK lagu sameeyo ee coronavirus, tiiyoo ay jirto inaan abid horay loogu arag wax xasaasiyad ah, balse Bakradze ayaa lasoo baxday xasaasiyad daran maalin kaddib iyadoo ku sugan magaalada yar ee Akhaltsikhe oo ay ku dhimatay.

Waraysi ay bixisay in yar kaddib markii ay tallaalka qaadatay ee aanay jirran ayay  Bakradze hilin maxalli ah oo TV9 la yiraahdo u sheegtay in tallaalku uu “daruuri yahay.”

Georgia ayaa 43,200 oo kuuro Sabtigii tegey soo degsatey iyadoo iminka uun adeegsigiisa bilowday. Kaddib dhimashadii Bakradze ayay wasaaradda Caafimaadku sheegtay inaanay joojin doonin adeegsiga tallaalkan oo ay caaqidadiisa wada sameeyaan labada dal ee Britain iyo Sweden.

AstraZeneca waa tallaalkii dhowaan laga dejiyey magaalada Muqdisho isagoo gaaraya 300,000 oo kuuro oo ay QM ku deeqday.

Hadalsame Media