Cumar Cabdirashiid oo jawaab aan kala caddayn ka bixiyey eed ku saabsan inuu isagu ka dambeeyey saxiixii muranka geliyey biyaha Somalia

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2021 – RW hore ee DF Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa jawaab caro leh ka bixiyey eedayn ku saabsan doorkii uu ku lahaa muranka la geliyey dhul-badeedka Somalia ee ay Kenya sheegatay 2009 kaddib markii ay saxiix ka heshay DKMG ahayd ee xilligaas jirtey oo uu isagu RW ka ahaa.

Abuukar Cawaale ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray war uu ku sheegayo in heshiiskii isfahamka ee 2009-kii la saxiixay (MoU) uu ahaa mid uu ka dambeeyey Sharma’arke, balse uusan waxba ka ogayn siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ninka heshiiska saxiixay.

“Madaxweyne Sh. Shariif shaqo kuma lahayn mana ogeyn meel lagu saxiixay MoU ninka amarka bixiyey wuxuu ahaa R/Wasaare Sharma’arke ee ninkaas halla raadiyo. CCW sawirka gal oo warqadaas saxiix ayaa lagu amray (qob moos ayaa loo dhigay) ee halla raadiyo kaaba laadarka weyn Mr Cumar,” ayuu Abuukar Cawaale soo dhigay bartiisa Facebook.

Yeelkeede, muddo aan badnayn kaddib waxaa eedayntaa si kulul oo ay caro ka muuqato ugasoo jawaabey Cumar Cabdirashiid oo yiri sidatan:

“Abuukar Cawaale qof aan garanayo ma tihid waxaase yaab leh inaad weli ku gaaf wareegayso MoU baa la saxiixay adigoo og in MoU-da ay maxkamadii caalamiga tiri nuxurkeedu wuxuu ahaa continental shelfs ka ku darsashadeeda oo Kenya ay ka carartay Maxkamada inay ka soo qayb gasho. Adiga iyo inta weli rabta Soomaali inay ku marin habaabiso arrinkaan iyo kuwa lacagta idin ku siiyaba qalbiga ayaad ka jirran tihiin”. ayuu yiri.

Jawaabta uu bixiyey Cabdirashiid ayaa muujinaysa inuu ama dadka marin habaabinayo ama uusan si saaxi ah weli uga dheregsanayn waxa la isku hayo, waayo doodda Kenya ay Somalia gelinayso waxaa asaas 1-aad u ah halka ay mareeyso jiitinta kala qaybisa labada dal oo waa arrin xadka badda ku dhisane Continental Shelf si toos ah uguma saabsana, waayo labada dalba waa ogolyihiin in Continental Shelf ay jiraan ee halka uu xadku marayo ayaa la isku hayaa.

Sidoo kale Cumar toos ugama jawaabin su’aasha ku saabsan cidda lahayd fikradda in heshiiska MoU la saxiixo sideedaba, taasoo ilaa maanta ah arrin aan qofna qiranin, waloow labada qof ee XF u sarreeyey ay ahaayeen MW iyo isaga.

Si kastaba, saxiixa laga helay DKMG ahayd ee xilligaasi waa waxa ugu wayn ee ay Kenya ku doodayso, waayo waxaa ku cad in aaggu uu yahay meel lagu muransan yahay, taasoo ah aragti aan horay u jiri jirin saxiixaas kahor.

Hadalsame Media