DAAWO: Dhadhaab-cireed wayn oo galabta dhulka sigi doona & falagga uu ku socdo oo laba jeer jaraya midka dhulka

0

(Paris) 21 Maarso 2021 – Dhadhaab-cireedkii ugu waynaa ee dhulka si sibiq ah ku dhaafa ayaa maanta na dhaafaya, iyadoo ay cir-bixiyeenku fogaan araggooda ku eegi doonaan marka uu dunida ag marayo dhagaxan oo la sheegay inuu samaysmay waayihii dhalashada hannaan-qorrexeedka.

Dhadhaab-cireedkan hawada dildilloomaya oo loogu wanqalay magaca 2001 FO32 ayay NASA saadaalinaysaa in aanay jirin halis uu dhulka ku hertin karo maanta iyo qarniyada soo socdaba, marka la eego falagga ama dhabbe-cireedka uu ku socdo oo khilaafsan falagyada meerayaasha waawayn oo aan isku soo dhicin.

Masaafada ugu dhow ee uu dhulka usoo jirsan doonaa waa 1.25 milyan oo km, taasoo qiyaastii 5.25 jeer ka badan masaafada ay bisheennu dhulka u jirto, balse saasoo ay tahay waxaa loo calaameeyey inuu “yahay dhadhaab-cireed halis keeni kara”, maadaama ay laba goor is jarayaan falagyada ay ku kala socdaan dhulka iyo dhagaxaasi, sida uu sheegayo Paul Chodas, Maareeyaha Xarun Daraasadaysa Walxaha Dhulka u Dhow.

NASA ayaa sheegtay in xawaawaraha 2001 FO32 uu saacaddii ku socdaa ay tahay 124,000 km (77,000 mayl) kaasoo ah xawaare aad uga badan inta badan midka ay ku socdaan dhadhaab-cireedyada dhulka usoo dhowaada ama ay qaarkood ku soo dhacaan.

Waloow aan si saaxi ah loo ogayn macaadinta uu ka sameeysan yahay waxay NASA sheegtay in lagu baarayo eegista hir-baacyada ilayska ah ee kasoo noqonaya marka ay ku dhacaan fallaaraha qorraxdu, balse qiyaasta bedkiisa ayaa dhan 900 oo mitir (3,000 oo cagood) dhanka gacankiisa iyadoo jiritaankiisa la ogaadey 20 sanadood kahor.

Wuxuu meesha dhulka ugu dhow mari doonaa galabta 4 p.m. GMT, sida ay sheegtay xarun lagala socdo hawada sare oo la yiraahdo Paris Observatory, oo ah goobta daraasaadka hawada sare ee ugu wayn dalka France.

NASA ayaa sheegtay in marka xigta ee uu 2001 FO32 uu dhulka kusoo dhowaan doono lagu qiyaasayo 2052.

Hadalsame Media