DAAWO: MW Maraykanka oo jaranjarada 3 jeer ku kufay mar uu raacayey dayuuradda Madaxwaynaha

0

(Washington, DC) 20 Maarso 2021 – MW Maraykanka ee Joe Biden ayay kooxaha ka hor jeedaa ku eedeeyaan inuu yahay nin ay da’du ka daba timid oo aan waxyaabo badan u qaban karin sidii looga baahnaa.

Yeelkeede, MW Biden oo doonaya inuu dadka ka shakisan tuhunkooda inkiro ayaa orod ku fuulay jaranjarada dayuuradda Air Force One mar uu u baxayey magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia ee koonfurta dalkaasi.

Abaanduulka Ciidanka Qalabka Sida ee dalkaasi oo haatan 78-jir ah ayaa 3 jeer ku kufay jaranjarada waloow uu kalsooni iska baaray oo uu socodkiisa sii watay, taasoo haatan aad looga hadal hayo warbaahinta dunida.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media