Maraykanka oo Giriigga ku hubaynaya Turkiga (Maraakiib casri ah & dayuuradaha F-35 oo la siinayo)

0

(Athens) 13 Maarso 2021 – Sharikadda farsamaysa gaadiidka dagaal ee cirka, dhulka iyo badda ee Lockheed Martin ayaa maraakiibta dagaalka ee loo yaqaan frigate-ka ee doorarka kala duwan qabta u samaynaysa Ciidanka Badda Giriigga, sida ay shirkadda Maraykanka ihi sheegtay.

Shirkadda oo koox-howleed u dirtay Giriigga ayaa waxay booqdeen khoorarka maraakiibta lagu dhiso ee Bad-yarada Aegean oo ka mid ah meelaha ay Turkiga isku hayaan iyagoo sheegay in maraakiibtan la dhisayaa ay sidoo kale shaqo u abuuri doonaan dadka Giriigga.

Giriigga ayaa doonaya maraakiibta doorarka badan ee ka dagaallama oogada badda (MMSC) oo ka ka mid maraakiibta Maraykanka ee U.S. Navy Littoral Combat Ship (LCS), si ay u kordhiyaan awooddooda badeed. Waxay gaari karaan 5,000 nautical mayl iyo xawaare ka badan 30 knots (34.5 mph) saacaddii.

4-tii bishan Maarso 4, Danjiraha Maraykanka ee Athens, Geoffrey Pyatt, ayaa sheegay in Maraykanku uu casriyeynayo 84 dayuuradood oo ah kuwa F-16 ee Giriigga isla markaana uu diyaarinayo duulliyeyaashooda si ay u wadi karaan kuwa F-35 oo horay loogu diidey Turkiga, waloow ay Lockheed Martin sheegtay inay 5 sanadood qaadanayso in Giriigga loo dhiso kaabayaasha loo baahan yahay si ay u adeegsadaan F-35.

Maraykanka oo Turkiga oo sida Giriigga NATO ka mid u diidey dayuuradaha F-35 iyo hannaanka daafaca dhul-ka-cir ee Patriot-ka, ayaa ka mid ah dalalka Giriigga ku juqaynaya Turkiga oo haatan ah dal lasoo baxay farsamo ama tiknolojiyad ciidan oo mustaqbal wanaagsan leh.

Si kastaba, Giriigga oo muquuranaya xaalad dhaqaale oo xun ayaa waxaa sidoo kale caawinaya Faransiiska, iyadoo uu siyaasiga bidixda ah ee Alexis Tsipras, oo hoggaamiya Xisbiga Syriza, uu Diseembar ku dhaliilay RW Kyriakos Mitsotakis kordhinta miisaaniyadda ciidamada jeer uu dalku la tacaalayo xasarado dhaqaale oo ku qaan gaarey.

Hadalsame Media