Sucuudiga & Qadar oo iyaga oo is qarinaya dhoollatus kala qayb galay Israel

0

(Hadalsame) 09 Maarso 2021 – Ciidanka Cirka Maraykanka (USAF) oo kaashanaya kuwa Israel, Saudi Arabia iyo Qatar ayaa Bariga Dhexe dul mariyey dayuuradaha wax bam gareeya ee masaafada dheer duula ee B-52H, taasoo lagu sheegay falax gooddin ku fooggan dalka Iiraan.

Dayuuraddan oo lagu naanayso ”Qalcad-cireed” ayaa ayaa duullimaadkaas u samaysay si ay u hor istaagto ‘dulmiga isla markaana ay xulufada ugu xaqiijiso sida ay Maraykanka uga go’an tahay xasilinta amaanka gobolka”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Bariga Dhexe ugu qaybsan Maraykanka ee Centcom.

Dayuuraddan ayaa intii ay duulaysey waxay dul martay Israel, Sucuudiga iyo Qadar, waxaana mar kasta galbinayey raxan ka tirsan ciidanka cirka dalalkaasi, gaar ahaan kuwa F-15 iyo 16, oo sidaa ku sameeynayey dhoollatus.

Ma cadda in tillaabadani ay tahay mid tilmaamaysa iskaashi toos ah oo dhexmaray dhinacyada aannu soo sheegnay, maadaama Sucuudiga iyo Qadar aanay xiriir toos ah la lahayn Israel, waase markii ugu horreeysey ee ay dhoollatus kala qayb galaan.

Yeelkeede, Ciidanka Israel ayaa Tweet ku sheegay in dhoollatuskani ahaa ”iskaashi istaraatiji ah” oo lagu sugayo amaanka cirka Bariga Dhexe.

Waa markii 4-aad ee uu Maraykanku B-52 dul mariyo Bariga Dhexe sanadkan oo qura, maadaama ay qaadi karaan ilaa 3 tan oo bambooyin ah, balse Abaanduulka Ciidanka Ilaalada Jamhuuriga Iiraan ee IRGC, Amir Ali Hajizadeh, ayaa yasay awoodda dayuuradahan oo kuu sheegay “kuwo gabow ah” marka uu Jannaanyo Hajizadeh ka hadlay hilin maxalli ah.

Hadalsame Media