Nin Nigerian ah oo soo helay kalluun jooga ku dhowaad 3 milyan oo doollar iyo arrin uu sameeyey oo dunida ka maajisey!!

0

(Abuja) 09 Maarso 2021 – Nin Nigerian ah ayaa badda ka soo qabsaday kalluunka loo yaqaan Blue Marlin Fish, oo ah mid kamida kalluumada ugu qaalisan uguna dheereeya dunida. Halkiisii Pound waxa lagu kala iibsadaa suuqyada lacag dhan $31kun.

Pound-ku waa nuskiilo wax yar dhiman. Kallunkan oo lagu qiimeeyaay lacag kor u dhaafaysa $2.6million ayuu tuuladiisii geeyay. Dabadeedna intuu sawirro isaga qaaday isaga iyo dadka tuulada kula noola ayay habaynkii ku casheeyeen.

Dad badan oo reer Nigeria ah ayaa fal jaahilnimo ku tilmaamay. Waxay dhaheen jiil dhan lacag ay noloshooda ku badali lahaayeen buu hal habeen caloosha ku hubsaday.

Blue Marlin Fish waa nooca badwenta Atlaantiga ku jira ee afka dhuuban, waa mid aad u dheereeya oo saacaddiina jara 110km. Halkiisii kiilo nooca cadi waa $64kun, isaguna waa 94kg.

Qiimihiisa ayaa gaadha illaa $30million. Laakiin maxay kuugu taal reer tuulaad baa hal habeen ku casheeyay. Ninku waxa uu ku nool yahay tuulada Warri, Gobolka biya baxada ah ee Delta, Nigeria.

Waxaa Diyaariyey: Maxamuud Daahir

Hadalsame Media