Somaliland oo sharci adag kasoo saaraysa siyaasiyiinta reer woqooyiga ah ee xilalka ka qabta DF Somalia

0

(Hargaysa) 08 Maarso 2021 – MW Maamulka Somaliland oo sheegtay inuu Somalia ka go’ay 1991-kii ayaa sheegay inay ”sharci adag kasoo saarayaan” sida loola dhaqmi doono siyaasiyiinta reer woqooyiga ah ee xilalka ka qabta DF Somalia, balse kaddib ku laabta Somaliland iyaga oo cafis raadis ah.

MW Muuse Biixi oo la hadlayey Baarlamanka maamulkaasi ayaa khudbadiisa ku taabtay mawaadiic badan min waxqabadka xukuumaddiisa ilaa siyaasadda gobolka iyo tan Somalia, isagoo weerar ku qaaday MW Somalia, Md Farmaajo oo uu ku eedeeyey inuu ”iska fadhiyo isagoo xilkii ka dhamaaday misna aan loo kordhinin.”

Yeelkeede, wuxuu soo hadal qaaday siyaasiyiinta woqooyiga ka taga oo uu sheegay in aan hadda kaddib laga aqbali doonin inay iska soo noqdaan ee deeto la yiraahdo ”waa hebel e halla cafiyo.”

”Kuwii aannu cafiney ayaa markale dib ugu laabtay Xamar oo xilal iminka ka haya.” ayuu ku dooday Biixi oo sheegay in hadda kaddib maxkamad la saari doono siyaasigii soo laabta oo ay iyadu go’aan ka gaari doonto.

Warkan ayaa malaha jawaab u ah war uu beri dhowayd sheegay Xuseen Carab Ciise oo soo jeediyey in sharci laga soo saaro siyaasiyiinta woqooyiga ka yimaada ee marka uu xilku ka dhamaado inta Somaliland ku laabta iska yiraahda ”waannu shaqa tagnay”, si midnimo raadintu aysan ciyaar u noqone ay mabda’ u noqoto.

Hadalsame Media