Xuutiyiinta oo sabab u noqday inuu sayladaha adduunka ka sara kaco sicirka saliiddu

0

(Riyaad) 08 Maarso 2021 – Sicirka fuustadii saliid ah ayaa ka sara martay $70 doollar markii ugu horreeysey muddo sanad ah maanta kaddib markii ay Xuutiyiintu weerar ku qaadeen rugaha saliideed ee dalka Sucuudiga, taasoo ay sii dhaawacayso go’aantii ay dalalka saliidda soo saaraa todobaadkii hore ku diideen inay kordhiyaan wax soo saarka.

Sicirka fuustada saliidda ah ayaa sare u socotey sanadkan kaddib markii ay sufur ka hoos martay sanadkii tegey markii ugu horreeysey taariikhda, balse weli ma gaarin $70 doollar.

Xilli ay OPEC diiddan tahay kordhinta wax soo saarka saliidda, ayaa waxaa dhacay weerarka ay Xuutiyiintu la eegteen xarumaha wax soo saarka saliidda ee Sucuudiga, taasoo sidoo kale kicisay awoodda uu dalkaasi u leeyahay inuu hawadiisa difaaco iyo awoodda dheeraadka ah ee ay Iiraan u leedahay inay hub noocaas ah yeelato iyadoo adeegsanayso Xuutiyiinta Yaman.

Sucuudiga iyo isbahaysigiisa ayaa shalay duqaymo ka gaystey caasimadda Yaman iyo gobollo kale, balse taasi waxba kama tarin jugta gaartey Sucuudiga.

Wasaaradda Tamarta Sucuudiga ayaa sheegtay in daroon ka yimid dhanka baddu uu weerar kedo ah ku qaaday meel saliidda lagu kaydiyo oo ku taalla Ras Tanura, oo ah deked ay maamusho hay’adda ay dowladdu leedahay ee Aramco.

Waa markii 2-aad ee ay Xuutiyiintu beegsadaan rugaha saliidda Sucuudiga iyadoo 2019 uu sicirka saliiddu mar qura 14% sare kacay suuqyada caalamka kaddib markii la weeraray rugaha saliidda soo saara ama kaydiya ee Aramco.

Hadalsame Media