”Annaga oo qaxayna ayay na KUFSADEEN” – HRW oo heshay xogo cusub oo muujinaya xasuuq & kufsi loo haysto Ciidanka Eritrea

0

(Addis Ababa) 06 Maarso 2021 – Ciidamada Eritrea ayaa la sheegayaa inay dileen boqollaal rayid ah oo ay ku jiraan carruur xasuuq bishii Nofeembar ka dhacay magaalada Aksuum ee gobolka Tigraay ee woqooyiga Itoobiya, sida ay sheegtay Human Rights Watch (HRW).

Warbixintan shalay soo baxday waa tii 2-aad ee ugu wayn ee lagu soo qaado tacadiyada ka dhacay magaalada Aksuum oo ah magaalo taariikhi ah iyo xarun dhaqameed u diiwaan gashan UNESCO.

Hay’adda Amnesty International ayaa baaris ay horay u samaysay ku sheegtay in ciidanka Eritrea ay si arxan darro ah oo kas ah u laayeen boqollaal rayid ah, taasoo soo jeedisey dareenka caalamka.

QM ayaa Khamiistii ciidanka Eritrea ku eedeeysay inay dhici karto inay ku keceen dembiyo dagaal, taasoo ay si wadajir ah u beeniyeen nidaamyada Addis Ababa iyo Casmara oo diidey inay Eritrean-ku gebi ahaanba ka qayb qaateen dagaalka Tigraay.

Kaddib markii uu RW Abiy Ahmed uu horraantii Nofeembar ku baaqay dagaal furan oo ka dhan ah hoggaanka TPLF oo weerar ku qaaday xeryo ay lahaayeen Ciidanka DF Itoobiya, ciidamo isla socda oo Ethiopian iyo Eritrean ah ayaa Nofeembar 20 qabsaday magaalada Aksuum kaddib markii ay si aan loo kala aabayeelin u duqeeyeen, sida ay sheegtay HRW.

Ciidamada Eritrea ayaa deeto dil iyo kufsi wadareed kula dhaqaaqay shacbiga Tigreega jeer ay daawanayaan ciidanka DF Itoobiya iyagoo diley ugu yaraan 200 oo qofood Nofeembar 28-29.

“Waxaan askari waydiiyey, maxaadan wax uga qabanayn arrinta, waxaad tahay Itoobiyaan, waxaana joognaa Itoobiya; waxaad ogolaanaysaa inay Eritrean-ku sidan yeelaan” ayaa laga soo koobiyey mid ka mid ah dadka rayidka ah.

“Waxaan u baahan nahay amar sare ka yimaada.” ayuu iigu jawaabey ayuu yiri qofkaasi.

Si kastaba lama oga inay waxani dhaceen iyo inay tahay dacaayad ay Tigreegu ku sumcad dilayaan ciidanka Itoobiya ama ku iftiiminayaan ku lug lahaanshiyaha ciidanka Eritrea ee dagaalkaas oo aan la inkiri karin maadaama la hayo gawaari wadata taargada Eritrea oo ciidan sida.

A member of the Amhara Special Forces watches on at the border crossing with Eritrea while where an Imperial Ethiopian flag waves, in Humera, Ethiopia, on November 22, 2020. – Prime Minister Abiy Ahmed, last year’s Nobel Peace Prize winner, announced military operations in Tigray on November 4, 2020, saying they came in response to attacks on federal army camps by the party, the Tigray People’s Liberation Front (TPLF).
Hundreds have died in nearly three weeks of hostilities that analysts worry could draw in the broader Horn of Africa region, though Abiy has kept a lid on the details, cutting phone and internet connections in Tigray and restricting reporting. (Photo by EDUARDO SOTERAS / AFP)

Hadalsame Media