Illeen Ibra waa heesi karaa? Zlatan oo xalay hees qaaraami ah ka qaaday San Remo (Dhegeyso)

0

(San Remo) 05 Maarso 2021 – Jookarka kubadda cagta ee Zlatan Ibrahimovic ayaa mihnadda bedeshey waxay ay KMG ahayd oo ay xalay uun ku koobnayd.

Ibrahimovic ayaa xalay isaga oo ay wehliyaan laacibiin kale oo ciyaaraha ka fariistay sida macallinka Bologna Sinisa Mihajlovic, ka heesayey mehrajaanka caanka ah ee Talyaaniga ee San Remo oo u dhigma midka Sweden laga agaasimo ee Melodifestivalen.

Heesta uu ku luuqaynayaa waa heestii qaraamiga ahayd ee oo “Io Vagabondo” oo Talyaaniga kasoo baxday 1962-kii.

Arbaha reer Sweden ee Ibrahimovic oo ah 39-jir AC Milan u safta ayaa kaalinayey xiriiriyeyaasha barnaamijka San Remo oo ah dhacdo laga baahiyo TV-da dowladda ee RAI.

Wuxuu soconayaa min 2da ilaa 6-da bishan Maarso oo ku began maanta oo Sabti ah.

Hadalsame Media