Turkiga oo soo saaray gawaari gaashaaman oo miinooyinka u gigsada (Arag gudihiisa)

0

(Ankara) 04 Maarso 2021 – Gawaarida gaashaaman ee Turkish sameega ah ee Otokar ayaa lagu daray nooc u gigsada miinada iyo weerarrada gaadmada ah (MRAP), kaasoo la yiraahdo Cobra II.

Noocan afar-sheeglaha ah ee Cobra II 4×4 ayaa haatan laga adeegsadaa ilaa 15 dal oo dunida ah kuwaasoo Turkiga ka iibsadey, waxaana dalal kale oo ay u dalban yihiin ka mid ah Kenya.

Yeelkeede, noocan cusub waxaa lagu daray muuqaalka MRAP si uu ula macaamilo halisaha haatan dunida ku badan sida miinooyinka jidadka la geliyo, kuwa macmalka ah (IEDs) iyo weerarrada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah.

Wuxuu markiiba qaadi karaa ilaa 11 qofood ama hal unug oo ciidan ah isagoo sidoo kale lagu rakibi karo boobayaasha fudud, madaafiicda culus, kuwa fudud iyo gantaalaha la hago ee kala duwan.

 

Hadalsame Media