Hal arrin oo ay horay ugu heshiiyeen RW Rooble & Musharrixiinta oo aysan waxba weli ka qabsoomin + Sawirro

0

(Muqdisho) 04 Maarso 2021 – Waxaa Decale Hotel markii 3-aad ka furmay shir u dhexeeya RW Rooble iyo Midowga Musharrixiinta, waxaa kale oo shirka jooga Madaxwaynaha Maamulka Hirshabelle.

Waxaa laga wada hadlayaa sidii horay loogu sii qaadi lahaa gogol xaarka is faham laga gaaro 6 qodob oo ay dhinacyadu horay u gaareen 25-kii bishii tagtay ee Febraayo oo ay labada dhinac waxyaabo ku heshiiyeen.

Yeelkeede, waxaa jirta arrin shaki dhalinaysa oo ku saabsan fulinta wixii lagu heshiiyey, waayo sida xogta lagu helayo weli wax kulan ah oo rasmi ah ma yeelanin guddi farsamo oo ka kooban 6 xubnood oo min 3 ah oo ay labada dhinac iska saareen.

Shirkan 3-aad ee caawa ayaa se dadka u firi doona halka uu u jihaysan doono sida in horay loosii amba qaado isfahamka oo ah midda la rajaynayo iyo in kale.

Hadalsame Media