Hodan Naaleeye oo loogu magac daray dugsi sare oo ku yaalla dalka Canada & dadka Afrikaanka ah oo soo dhoweeyey

0

(Vaughan) 03 Maarso 2021 – Guddiga Fulinta iskuul ku yaalla Degmada York ayaa u codeeyey in iskuulka magaalada Vaughan, ee Gobolka Ontario loogu magac daro weriye Hodan Naaleeye (AUN) oo ah gayfane iyo weriye Soomaali Canadian ah oo lagu diley magaalada Kismaayo ee dalka Somalia.

Iskuulkan oo horay loo oran jirey Vaughan Secondary School, ayaa haatan qaadan doona magaca Hodan Nalayeh, iyadoo ay Hodan door muhim ah ugu jirtey Soomaalida Canada kahor intii aan lagu dilin weerar arxan darro ahaa oo lagu qaaday hoteel ku yaalla Kismaayo 2019-kii.

Iskuulka ayaa horay loogu magac daray Benjamin Vaughan, oo ahaa nin adoomo lahaa qarnigii 18-aad, iyadoo ay sanadkii tegey dada madowga ihi codsadeen in magaca ninkaa laga tiro iskuulka.

Shernett Martin, oo ah Maareeyaha ACORN, oo ah Jamciyad ay leeyihiin dadka Afrikaanka ah ee Canada ayaa tillaabadan Hodan loogu magac daray ku tilmaantay mid wanaagsan.

“Dhaxalkeedu wuu sii noolaan doonaa iyadoo wixii ay u taagnayd lagu muujin doono luuqyada iyo hoolalka dugsiga si aan loo illaawin naf-huriddii Hodan sameeysay. Waxaana u dabaal degeynaa in gabar Muslim ah oo xijaaban loogu magac daray dugsiga sare ee magaaladeenna.” ayay tiri Shernet.

Hadalsame Media