Ma ogtahay in Faadumo Aadan Cadde ay ka qayb gashay dibedbax lagu diidanaa aabbeheed? (Muxuu ku jawaabey Aadan Cadde?!)

0

(Hadalsame) 03 Maarso 2021 – Waxaa jirta sheeko caan ka ah Soomaalida dhexdeeda balse aan si buuxda loo xaqiijin karin.

Waxay ku saabsan tahay in Faadumo Aadan Cadde oo uu dhalay Madaxweynihii ugu horeeyey Soomaaliya ee Aadan Cadde (AUN) ay iyada oo ka sheekaynaysa waayeheeda gaarka ah xustay 2 arrimood oo muujinaya shakhsiyaddii samayd ee aabbeheed oo ilaa haatan cabbir dahabi ah (golden standard) u ah siyaasadda dalka.

Waxay tiri Faadumo: “Anigoo iskuul dhigta ayaan ka qeyb galay banaanbax aabaheey oo xukunka hayey looga soo horjeeday, waxaana loo sheegay aabaheey wuxuuna i waydiiyey habeenkii waxaana u sheegay in aan xaq u leeyahay ka qayb galkiisa wuxuuna ku jawqaabey ” Si fiican baad yeeshay.”

Maalin kale ayuu i arkay aniga oo dhegeysanaya hees Xabashi ah balse markan ima dhihin si fiican baad yeeshay ee wuu i garaacay ayay tiri.

Meeshan waxaa laga qaadan karaa laba arrimood oo ay midi tahay in Aadan Cadde (AUN) uu marna gabadhiisa barayey xorriyadda hadalka marna wadaniyadda iyo muhiimadda waxa Somalia kala dhexeeya Itoobiya.

Si kale haddii loo fasiro, ma uusan eegan dantiisa gaarka ah ee wuxuu eegay danta guud ee dalka Somalia oo tiisa kala waynayd, si ka duwan wixii siyaasi isaga ka dambeeyey.

Hadalsame Media