”Warqaddii Villa Somalia waxay noqon kartaa turubkii ugu dambeeyey!” – Mowjado jahawareer ah oo markale soo noqday & Maraykanka oo digniin diray

0

(Muqdisho) 02 Maarso 2021 – ”Waqtigu waa dhamaanayaa!” Waxaa lagu bilaabay qoraal kooban oo goor dhowayd kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho, kaasoo DF Somalia iyo maamullada ugu baaqay inay qaataan ”go’aanka saxda ah” oo ay doorashada dhamaystiraan.

Safaaradda Maraykanka ayaa warkeeda kooban ku lifaaqday War Saxaafadeed ay goor sii horreeysey soo saareen dalalka jaalka la ah Somalia, kaasoo lagu soo dhoweeyey shirarkii beryahan u socdey RW Rooble iyo Midowga Musharrixiinta oo kulan guul ku dhamaaday yeeshay 25-kii Febraayo, markalena shiray shalay iyagoo u ballansanaa kulan kale oo dhacaya Khamiista 4-ta bishan.

War Saxaafadeedkaasi ayaa sidoo kale ku baaqayey in ay shir iskugu yimaadaan DF Somalia iyo Maamul-goboleedyadu si loo dhamaystiro heshiiskii 17-kii Sebtembar iyo midkii ay Guddiga Farsamadu Baydhabo ku yeesheen 16-kii bishii hore.

Waxaa jira walaac ku saabsan ujeedka Madaxtooyada oo sii xoogaysanaya tan iyo markii ay warqadda xalay kasoo baxday Villa Somalia, iyadoo haddii ay lacalla iman waayaan maamullada qaarkood ama ay ka horjeestaan musharrixiintu ay wax kasta mar kale cakirmayaan.

”Haddii lagu guulaysto shirkaasi waa wax wanaagsan sidaas ayaana jeclaan lahaa, balse haddii ay warqaddaasi caqabad hor leh noqoto Madaxtooyada waxaa ka idlaanaya dookhyada iyo fursadaha waana turubkeedii ugu dambeeyey ee ay tuurato.” ayuu yiri nin qaaqama xayndaabyada lagu go’aamiyo siyaasadda dalka oo Hadalsame ka codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Hadalsame Media