”Waxaa jirta Soomaali noo marqaati furi lahayd oo cabsanaysa!” – Kenya oo la timid dood yaab leh

0

(Nairobi) 02 Maarso 2021 – Maxkamadda ICJ ayaa cudurka Covid-19 dartii doonaysa inay dacwadda Somalia-Kenya ee madlan 15-ka bishan ku dhegeysato khadka Zoom, yeelkeede, Kenya ayaa ku doodaysa inay taasi dilaysa qiyamka iyo kalsoonida dacwadda, sida uu dhigayo The Star.

Kenya ayaa ku doodaysa in laga diidey inay marqaati furaan dadka reer Lamu oo sida ay sheegtay ah kuwa uu go’aankani saamaynta 1-aad ku yeelanayo, si ay u muujiyaan xiriirka dhaqan iyo kan taariikheed ee ay la leeyihiin ”aagga lagu muransan yahayää, sida ay kenya qabto.

Tan ugu darani waxay tahay Kenya oo ku doodaysa inay jiraan dad iyada u marqaati furaya oo reer Somalia ah oo ka horjeeda dalkooda, kuwaasoo amaankoodu uu halis gelayo haddii dacwadda lagu qabto khadka Zoom, kuwaasoo haddii ay marqaati furi waayaan ay taasi daciifinayso kiiska Kenya.

Sida uu qorayo The Star, Kenya ayaa haddaba dareensan in ka wareegidda dacwada jireed ay daciifinayso kiiskeeda isla markaana maadaama laga diidey in dhegeysiga mar kale la baajiyo ay dareensan tahay inaysan heli doonin xukun caadil ah.

Hadalsame Media