Masar oo muujisay moowqif ay ugu dhowaanayso Turkiga & Giriigga oo ka walwalsan

0

(Qaahira) 01 Maarso 2021 – Saxaafadda Giriigga ayaa qoraysa warar sheegaya in Masar ay qaadatay moowqif raacsan midka Turkiga marka ay timaado sida loo kala leeyahay Aagga Gaarka ah (EEZ) ee Bariga Badda Dhexe, taasoo keeni karta in Qaahira iyo Ankara ay heshiis ka gaaraan arrintan.

Maalinlaha Giriigga ah ee Kathimerini ayaa sheegaya khariidadda aagga bari ee ay haatan Masar u guuxdey uu yahay midkii ay Turkigu u gudbiyeen QM kaddib heshiiskii Turkiga iyo Libya, Nofeembar 2019-kii.

Warqaadka ayaa intaa raaciyey in moowqifka Masar uu ka dhigan yahay inaysan doonayn inay ku lug yeeshaan muran Turkiga iyo Giriigga ee ka taagan gobolka, gaar ahaan dhanka Qubrus.

Kathimerini ayaa sidoo kale sheegay in waloow aan tillaabadan loo qaadan karin heshiis deg deg ah oo dhacay, ay misna ka dhigan tahay in Qaahira ay calan cad u walfinayso Ankara taasoo keeni karta heshiis iyo wada hadallo dhexmara mustaqbalka.

Masar iyo Giriigga oo ka dabaaqayey midkii dhex maray Turki-Libya ayaa iyaguna heshiis gaarey Agoosto 2020, kaasoo kala calaamadeeynayey Aagga Gaarka ee labada dal ee Bariga Badda Cad.

Hadalsame Media