Turkiga oo soo bandhigay Komaandoos gaar ah oo loo tababarayo dalka Somalia + Sawirro

0

(Ankara) 01 Maarso 2021 – Dalka Turkiga ayaa muddaba wuxuu doorka ugu wayn uga jirey tababarka iyo qalabaynta Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia qaybohooda kala geddisan.

Turkiga ayaa sheegay inuu Somalia u diyaarinayo ugu yaraan 16,000 oo askari oo xirfadlayaal ah kuwaasoo qaba tababarrada ugu dambeeya caalamka ee ay bixiyaan dalalka ku jira Gaashaanbuurta NATO.

Warqaadka caalamiga ah ee ku hadla afka Dowladda Turkiga ee TRT ayaa soo xigtey war sawirro kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo soo bandhigtay muuqaalka askar ka tirsan Komaandooska Somalia oo haatan tababar uga socdo Turkiga.

”300 oo askari ka mid ah Ciidamada Xoogga Dalka ayaa la barayaa ”mabaadii’da Komaandooska”, gaar ahaan barnaamij ku saabsan la dagaallanka argagixisada.” ayaa lagu soo qoray TRT.

Somalia ayaa u baahan ciidan xooggan oo gacanta ku dhigi kara amaanka dalka oo haatan u dayacan faragelin gudeed iyo mid dibadeedba, balse waxaa muhim ah in la helo siyaasad qaran oo ka tarjumaysa dan umadeed, may mid qofeed.

Hadalsame Media