Su’aalo ka badan jawaabaha la heli karo oo ka dhashay qarax lala beegsaday Taliye Xigeenka Xoogga

0

(Muqdisho) 28 Feb 2021 – Waxaa Wadada Tarabuunka aadda ee ka timaada Lambar 4 ka dhacay qarax lala eegtay gaari uu watay Taliye ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Jeneraal Cabaas Amiin Cali.

Taliye Xigeenka ayaa qaraxa ka badbaadey, balse waxaa ay dhibaato kasoo gaartey askartii ilaalineysey oo uu mid ku dhintay qaar kalena ay ku dhaawacmeen, waxaa sidoo kale ku dhintay wiil dhallinyaro ah oo bajaaj wadey.

Haddaba, waxaa qaraxan oo ahaa miino jidka la sii dhigay isla markaana ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Shabaab ka dhashay su’aalo dhowr ah oo tuhun dhalinaya sida:

1 – Sida miino loo dhigi karo jid u muuqda isgoyska magaalada ugu mashquulka badan ee KM 4 oo ay ku kulmaan ilaa 5 waddo oo hal-bowle ah?

2 – Yaa sii sheegay inuu taliyuhu halkaa soo mari doono, gaar ahaan waqtiga?

3 – Yaa sii sheegay sideese lagu ogaadey inuu gaariga saaran yahay?

4 – Maadaama ay miinadani ahayd mid la hagayey halkee joogey qofka miinada qarxiyey?

5 – Maxaa loo waayaa wacaal ku saabsan ka hortag iyo ka daba tag ku wajahan qaraxyada ka dhaca magaalada?

6 – Haddii ay ciidamada DF xakamayn karaan inay dadku dibadbaxaan maxay u xakamayn kari la’yihiin kuwa amaanka khalkhalka ku haya?

Hadalsame Media