RASMI: Milkiilayaasha Inter Milan oo kala diray kooxda Jiangsu Suning + Sababta

0
Erick Thohir (2nd L), President of Inter Milan and Zhang Jindong (3rd L), chairman of the Suning Holdings Group attend a press conference for Suning's Acquisition of Inter Milan in Nanjing, east China's Jiangsu province on June 6, 2016. A Chinese billionaire with connections to President Xi Jinping announced a swoop for a majority stake in Italy's Inter Milan on June 6, the most prestigious football club acquired so far by Chinese investors. Zhang Jindong's Suning retail giant will pay 306 million USD for about 70 percent of the three-time European champions, a landmark move for one of the sport's most famous clubs. / AFP PHOTO / STR

(Nanjing) 28 Feb 2021 – Milkiilayaasha Inter Milan ee Suning ayaa si rasmi ah u kala diray heerarka kala geddisan ee kooxda Jiangsu Suning taasoo ay ugu wacan tahay ”arrimo aan la xakamayn karin.”

Jiangsu ayaa 108 maalmood uun kahor hatanay koobkeedii ugu horreeyey ee Chinese Super League, balse kooxda Jiangsu ayaa ku fashilantay inay xilligii loo qabtay ku diiwaan geliso kooxda fasalka 2021, taasoo keentay in kooxda la kala diro, sida ay Suning ku faafisay Weibo.

Milkiilaha Suning ee Zhang Jindong ayaa todobaadkii hore sheegay in ay ”shaki la’aan dhimi doonaan dhamaanba “howlaha aan taabanaynin kuwa ganacsiyada tafaariiqda ah.”

Horraantii todobaadkan, waxay Suning xaqiijisay taageerada Inter haddii ay taageero dibadeed hesho iyo haddii kaleba, waloow ay arrin aan “waaqici ahayn ku sheegtay in la raadiyo taageero dibadeed.”

Milkiilayaasha Inter ayaa wajahaya xaalad dhaqaale xumo kaddib markii ay caqabado kasoo wajaheen dalka Shiinaha iyadoo beri dhowayd laga wareejiyey xuquuqda soo gudbinta Horyaalka Talyaaniga ee suuqa Shiinaha, waxayna haatan raadinayaan jaal ay ka iibiyaan saami ka mid ah kooxda si loo helo kaash cusub.