Turkiga oo ciidankiisa ku qalabeeyey daroonno cusub oo uu isagu farsameeyey & awooddooda + Sawirro

0

(Ankara) 24 Feb 2021 – Ciidanka Badda Turkiga (DzKK) ayaa helay 2 daroon oo cusub oo kuwa dagaalka ah (UCAV) oo ay samaysay ha’adda Turkiga ah ee TAI, kaasoo lagu magacaabo ANKA.

Ciidamada Badda Turkiga ayaa Agoosto 2020, waxay sidoo kale heleen daroonnada noocan ah oo ku qalabaysan hannaanka ogaanshaha otomaatigga iyo raadaarka casriga ah ee SAR, waxaana loo adeegsan doonaa ilaalinta iyo roondaynta biyaha Turkiga.

Hannaanka ANKA-S ayaa awood u leh inuu sirdoon iyo sahan sameeyo habeen iyo maalin isagoo leh qaab uu ku ogaan karo bartilmaameedyada socda iyo kuwa neg, raadinta xogaha xasaasiga ah iyo garashadooda, soo gudbinta sawirro aan caad saarrayn oo toos ah iyo isaga oo ku shaqayn kara cimilada aan wanaagsanayn.

Wuxuu qaadi karaa hub 200 oo kg ah isagoo hawada sare u geli kara joog dhan 30,000 oo cagood isla markaana cirka ku jiri kara 24 saacadood oo xiriir ah.

Waxaa daroonkan noocii ugu horreeyey lagu qalabeeyey Ciidanka Lugta ee Turkiga 2016-kii, kaddib markii lagu guulaystey tijaabo lagu sameeyey 2013-kii.

Turkiga ayaa sameeya ilaa 4 nooc oo daroonno ah oo ay farsameeyaan sharikaad kala duwan waxaana noocyada kale ugu adag Bayraktar TB2.

Hadalsame Media