Waan waan laga dhex wado Madaxtooyada & Midowga Musharrixiinta (Qoddobbo lagu heshiin karo)

0

(Hadalsame) 24 Feb 2021 – Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin guusha laga gaari karo, dhinacyada dawladda, Midawga musharixiinta iyo beesha caalamka ayaa wado qorshe aan kala go’lahayn oo lagu qaboojinayo xiisadda jirta.

Guddiyada dhexdhexaadinta labada dhinac ayaa sheegaya in Midawga Musharixiintu soo jeediyeen ama dalbadeen sadex qodob oo kala ah:

1- in dawladdu raaligalin ka bixiso rabshadihii dhacay 19 kii bishaan ee lagu kala eryay banaanbixii ay horkacayern musharixiinta Madaxwaunayaasha.

2- in dawladdu fasaxdo banaanbaxa ay midawga musharixiintu ku baaqeen Jimcaha, Iyaguna aanay wax hub ah soo qaadan karin.

3- In hadii shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka uu fadhiyo madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo ahna musharax u taagan xilkaas ay iyagu qayb ka noqdaan.

Arrimahaan oo ay dhinacyada xukuumadda iyo Mucaaradku laba kamid ah sadexda qodob aad isaga ag dhawyihiin, ayaa ilaa caawa waxaa jawaab laga sugayaa sida uu u aqbalo madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Farmaajo.

Waxaa kale oo jira cadaadis ay beesha caalamku ku hayso dhinacyada, iyaga oo kulamo aan kala go’ lahayn la qaadanaya Madaxda dawladda iyo Musharixiinta, maadaama lagu guuldaraystay in Puntland iyo Jubbaland lagu qanciyo ka soo qaybgalka shirka Muqdisho.

Hadii dadaaladu guuldaraystaan ilaa maalinta barrito wal walwayn ayay shacabka Muqdisho ka qabayaan xaaladooda nabadgalyo, marka waa muhiim in dhinacyadu u turaan shacabkooda.

Waxaa Diyaariyey: Xasan Cadde

Hadalsame Media