Shuruudaha ay Puntland xalay soo saartay oo ay ku jiraan laba qodob oo is BURRINAYA!

0

(Garoowe) 23 Feb 2021 – Maamul-goboleedka Puntland ayaa soo saaray War Saxaafadeed dheer oo ka kooban ilaa 3 bog oo xambaarsan shuruudo cusub oo hor dhigeen inay ka qayb galaan shirka lagu xallinayo muranka doorashada.

Waxaa shuruudaha cusub ka mid ah laba qodob oo is burinaya oo midna uu DF Somalia farayo inaysan wax tillaabo qaadi karin maadaama ay mudadii ka dhamaatay, midna uu farayo in MW Farmaajo uu xilalka ka qaado taliyeyaasha ciidamada dalka, iyadoo aysan farsamo ahaan suuragal ahayn in DF ay hakiso qaadista tillaabooyin fulineed iyo kuwo sharci misna ay dad xil ka qaaddo, marka taa lagu biiriyo inaanu jirin Maamul-goboleed sharciyan DF u yeerin kara ciddii ay xil u dhiibayso ama ka dhigayso.

Halkan hoose ka akhri:

1 – In wada labedelo taliyeyaasha ciidamada dowladda Federaalka, sida millateriga, booliiska iyo nabad-sugidda oo uu haysto Qaran Fahad Yaasiin.

2 – In MW Farmaajo uu saxiixo wareegto lagu dhimayo awoodda hay’aadka fulinta iyo sharci dejinta lana baabi’iyo wixii sharci cusub ah oo soo baxay kaddib 27-kii Diseembar, sidoo kale waa in la baabi’iyaa go’aan kasta oo ay XF soo saartay wixii ka dambeeyey 8-ddii Febraayo.

Hadalsame Media