Ha isku raacin dayuuradaha Boeing 777 ee lagu sameeyo Maraykanka (Akhri sababta)

0

(Renton) 22 Feb 2021 – Sharikadda dayuuradaha samaysa ee Maraykanka ah ee Boeing ayaa ku dhawaaqday in la fariisinayo 128 ka mid ah dayuuradaha Boeing 777 ee ay iyadu samayso kaddib markii ay DF Maraykanku ay baaritaan ku bilowday dabkii ka kacay matoorka dayuuradda United Airlines.

United, Korean Air iyo labada sharikadood ee ugu waawayn Japan ee Japan Airlines (JAL) and All Nippon Airways (ANA) ayaa horay u joojiyey 62 dayuuradood oo ay ku howlgelayeen oo ku shaqeeya matoorka PW4000, maadaama ay adeegsadaan isla matoorkii dayuuradda United ee Sabtigii inta holcey kaddibna ku dhacay hawada Denver.

Wakaalladda Badbaadada Gaadiidka Maraykanka ayaa haatan baaris bilowday iyadoo ay Boeing sheegtay in dayuuradaha ku nooca ah la baari doono, waloow shilkii ugu dambeeyey aysan cidna ku dhiman, inta fasax kale laga helayo hay’adda FAA.

Waa jug kale oo ku dhacday Boeing oo aan weli kasoo kabanin shilalkii is xigey ee nooca Boeing 737 MAX oo la fariisiyey Maarso 2019 kaddib markii ay 346 qofi ay ku dhinteen  2 shil oo ay kala galeen Lion Air oo Indonesia ah iyo Ethiopian Airlines.

Shirkado badan ayay dhici kartaa inay iskaga sii shaqeeyaan dayuuradahan, haddaba iska eeg nooca dayuuradda aad raacayso.

Hadalsame Media