Dadwaynaha oo la amakaagsan arrin uu Wasiir Dubbe ku sameeyey musharrax Daahir Geelle (Maxaa dhacay?)

0

(Muqdisho) 22 Feb 2021 – Waxaa caawa la qorsheeyey dood dhanka khadka loogu qaban lahaa musharax Daahir Geelle oo u taagan xilka madaxtinnimada qaranka iyo Wasiirka Warfaafinta DF Cismaan Dubbe oo uu xilkiisa horay u hayn jirey Geelle.

Yeelkeede, Wasiir Dubbe ayaa la sheegayaa inuu diiday in uu Daahir Geelle doodo la galo, taasoo keentay in bedelkii doodda barnaamijka loo bedelo mid hadal jeedin oo qura.

Intaa se ashaqaraarku kuma harine, Wasiir Dubbe ayaa markii dambe wuxuu boggiisa Facebook ee rasmiga ah soo dhigay baannar yar oo doodda loogu tala galay, balse uu markan ka jaray sawirkii musharrax Daahir Geelle.

Arrintan ayay Wasiirka dadku waydiinayaan iyadoo ay dad badani la yaabban yihiin sawirka ay bixinayso arrintan oo aan ku qurxoonayn ciyaar wanaagga siyaasadda, isagoo aan ka jawaabin su’aalo lagu waydiiyey Facebook.

Hadalsame Media