”Muqdisho iyadoo muddo dheer mashaqo ku jirtey ayay misna qurxoon tahay maxaa dhici kara marka ay nabad noqoto?!!” – Falcelinta shacabka Kenya

0

(Muqdisho) 20 Feb 2021 – Warbaahinta caalamka ayaa hadal haysa shaqaaqooyinkii Muqdisho ka dhacay oo ay qaarkood si ka badbadis ah uga qorayaan cinwaanno niyad jab leh ay ka qorayaan sida qaar saadinaya dagaal sokeeye iwm.

Haddaba, warqaadka The Nation ayaa ka mid ahaa kuwa soo qaatay warka shaqaaqadii nasiib darrada ahayd ee shalay ka dhacday Muqdisho, waxaana sidii caadiga ahaydba ka fal-celiyey dad kala duwan oo Kenyan ah.

Alphonce Msongeri ”Waloow ay dagaallo ka daaleen, misna Muqdisho waxay u muuqataa mid weli qurxoon, qiyaas haddii ay sanadahaa badan nabdoonaan lahayd?”

Dun Nm ”Yaa u diiddan inay nabad ku noolaadaan? Umad isku af ku hadasha, iskuna doon balse dagaal iska daba socota. Waxaan taa ku tilmaami karaa doqonnimo,” ayay haweenay kale ugu jawaabtey.

Otieno Nyambemba ” Xabbad iyo dagaal meeshaas waa u caadi, marka wax war deg deg ah laga dhigo maba aha.”

Edwin Eregwa ”Somalia waxay noqon doontaa meel nabdoon oo barwaaqaysan. Fasalkaan fadqalalladu waa iska dhamaan doontaa.”

James Mbaya ”Rasaastu astaan qaran ayay u tahay, marka wax la weriyo maba aha.”

Dun Nm ” Nation, fadlan warkani muhim uma aha Kenya.” ayay markale soo qortay.

Vick Checkayi ”Kuwaasi xabbada sidii muusig ayay u dhegeystaan.”

Mike Mulin ”Waa dal gebi ahaanba fashilmay.”

Stephen Muthoni ”Muqdisho waa naar kale.”

Hadalsame Media