“DF waxay adeegsatey awood xad dhaaf ah!” – Imaaraadka oo soo saaray war hoos u dhigaya MAQAAMKA DF (Muxuu ugu yeerey?)

0

(Abuu Dabeey) 20 Feb 2021 – Imaaraadka Carabta ayaa wax uu ku sheegay “walaac wayn” ka muujiyey xaaladda sii xumaanaysa ee Muqdisho oo ay sheegeen in awood xad dhaaf ah loo adeegsadey shacabka, sida ay sheegeen.

War kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Imaaraadka ayaa DF ku tilmaantay mid KMG oo ay tahay in ay is xakamayso si loo xaqiijiyo dhismaha mustaqnal xasilloon.

Waxay sheegeen in ay taageerayaan dedaallada caalamiga ah ee lagu doonayo qabsoomidda doorasho daah furan iyagoo ku baaqay in la iskugu tago ka hortagga argagixisada iyo xag-jirka, sida ay qoreen.

“Imaaraadku waxay rajaynayaan inay nabadi ka hana qaaddo Somalia si ilaalinaysa madax bannaanida dalka iyo dadka walaalaha ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa ka mid ah dalalka sanadihii dambe ku foogganaa siyaasad aan caawinaynin midnimada iyo madax bannaanida Somalia.

Hadalsame Media