”Annagu afti baan doonaynaa umana codayn in EU laga boxo!” – Scotland oo tuurtay calanka UK oo ay ku bedeshey midka EU

0

(Edinburgh) 20 Feb 2021 – Waloow uu dalka UK iskaga baxay EU misna kuma midaysna arrintaasi oo waxaa markale taagan Scotland oo dalbanaysa in afti laga qaado kasii mid ahaanshohooda UK, taasoo ay weli ka caga jiidayso Dowladda London.

Nidaamka Scotland ayaa xitaa bilaabay inuu dejiyo calanka UK (British Union Jack), isagoo dhismayaasha dowlad-goboleedka ka taagaya calamada Scotland iyo Midowga Yurub, tiiyoo ay jirto in Brexit kaddib aysan Scotland ka tirsanayn EU, balse ay ka mid tahay UK.

Dowladda fadhida Edinburgh ayaa u sheegtay Deutsche Presse-Agentur (dpa) in ay calanka EU u saarteen si ay u muujiyaan inay metelaan codadka Scotish-ka oo iyagu si wayn ugu codeeyey inay UK kasii mid ahaato EU.

Waxay sheegeen inay calanka UK kaliya saari doonaan “taariikhaha iyo marxaladaha muhimka ah” oo qura, iyadoo uu Wasiirka Koowaad ee Scottish-ka ee Nicola Sturgeon ay ku baaqday in afti 2-aad laga qaado dadkeeda kaddib middii 2014 oo ay aqlabiyad caato ihi sababtay inay sii joogaan, iyadoo sheegtay in ka bixitaan EU ay xaaladda markale bedeshey, maadaama ay 2016 Brexit ay Scotland u codeeysey kasii mid ahaanshiyaha EU.

Hadalsame Media