”Somalia waxay ku jirtaa xasarad dastuuri ah!” – Cinwaannada waawayn ee warbaahinta caalamka

0

(Muqdisho) 20 Feb 2021 – Warbaahinta caalamka ayaa hadal haysa shaqaaqooyinkii Muqdisho ka dhacay oo ay qaarkood si ka badbadis ah uga qorayaan cinwaanno niyad jab leh ay ka qorayaan sida qaar saadinaya dagaal sokeeye iwm.

Haddaba, waxaa markale masraxyada caalamka kusoo noqotay Somalia waloow aysan kusoo noqoshahadaasi ahayn middii ay jeclaan lahaayeen dadka samaha iyo horumarka dalka jecel.

”Dalku wuxuu ku jirey xasarad dastuuri ah tan iyo 8-dii Febraayo markii ay dhamaatay muddo-xileedkii MW.” – Washington Post ayaa qoray.

Halkan hoose ka eeg qoraallada qaar ka mid hay’aadka waawayn ee warfaafineed ee caalamku wax ka maqlo.

Hadalsame Media