Sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday oo muujinaya tillaabo ay qaadeen ciidanka Shiinaha ee Himalaya ku hor fadhiya kuwa Hindiya + Sawirro

0

(Beijing) 18 Feb 2021 – Shiinaha ayaa burburiyey dhowr dhisme ciidan isagoo mariyey dhamaanba xeryihii ciidan ee ugu yaalley xadka buuraleeyda Himalaya ee uu la leeyahay Hindiya oo ay halkaa isku hor fadhiyeen tan iyo Abriil, sida ka muuqato sawirro dhanka dayax-gacmeedka ah. Arag sawirrada…

Muuqaallada dayax-gacmeedka oo ay dhanka daanta woqooyi ee Pangong Tso Talaadadii ka qaadday Maxar Technologies, waxaa laga arki karaa xeryo ay halkaa ku lahaayeen ciidanka Shiinaha oo haawanaya.

Labadan deris ee nukliyeerka ku hubaysan ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay inay halkaa ka saarayaan ciidanka, tawaangida iyo agab kale oo kala yaalla daamaha Pangong Tso, oo ah dooxo barafleey ah oo xuddun u ah dhulka ay ku muransan yihiin labada dhinac.

“Tillaabadaas oo kale oo dhankeenna ka socota sidoo kale.” ayuu yiri sarkaal ciidan oo ku sugan New Delhi, oo codsaday in aan la magac dhabin, kaasoo u warramay Reuters.

A closer view of an area known as Finger 6 with deployments in place, at Pangong Tso, in this handout satellite image provided by Maxar dated January 30, 2021. Satellite image (copyright) 2021 Maxar Technologies/Handout via REUTERS

Hadalsame Media