SAF WANAAJIN: Xisbiga haya talada Japan oo haween uu ku casuumey kulamadiisa ku xujeeyey inaysan shirarka ka hadli karin

0

(Tokyo) 18 Feb 2021 – Maalmo uun kaddib markii madaxa qaban qaabada ciyaaraha Olombikada Japan lagu khasbay inuu is casilo kaddib markii uu sheegay in haweenku ay ”war badan yihiin” taasoo keentay in lagu bedelo haweenayda Seiko Hashimoto, xisbiga talada haya ayaa bilaabay inay haweenka ku casuumaan shirarkooda haddii aysan hadlaynin.

Xisbiga Liberal Democratic Party (LDP) ayaa keenay hindise ah in 5 haween ah oo xildhibaanno ihi ay goobjoog ka ahaadaan shirarka guddi rag ka wada kooban.

Haweenkan ayaan hadli karin inta uu shirku soconayo, balse waxaa loo ogol yahay inay goobjoog ahaadaan, haddii ay ra’yi hayaanna ay qoraal kusoo gudbiyaan shirka kaddib.

Japan oo ka mid ah dalalka dunida ugu horumarsan ayay haweenku ka sheegtaan in laga faquuqo madlaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, iyadoo uu dalkaasi kaalinta 121-aad uga jiro liiska Madasha Dhaqaalaha Dunida ee World Economic Forum qiimayn ay arrimaha jinsiga ku sameeysay 2020 (Global Gender Gap Index).

Tusaale ahaan, 2 haween ah ayaa haatan ka mid ah Guddiga Fulinta ee Xisbiga LDP oo ah mid talada dalka hayey si ku dhowaad joogto ah tan iyo 1955-kii, kaasoo ka kooban 12-xubnood.

Hadalsame Media