”Sidan ku gaari maysid halka aad doonaysid!” – Hadal uu Isaias Afwerki ku yiri MW Farmaajo oo la ogaadey (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 17 Feb 2021 – Waxaa xog hor leh laga helay dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea oo la sheegay in loo dhigay dhanka woqooyiga Itoobiya si ay uga qayb galaan dagaalka sokeeye ee halkaa ka socda, taasoo dood badan abuurtay welina aan la xallin.

MW Eritrea oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu qaadan waayey in ay ciidamo qalaad ilaalinayeen amaanka Garoonka wayn ee Aadan Cadde, kaasoo deeto markii uu la kulmay MW Farmaajo ku yiri: ”Sidan ku gaari maysid halka aad doonaysid.”

Kaddib waxaa dhalatay aragtida ah in ciidamo Soomaaliyeed ay diyaariso Eritrea wuxuuna qorshahaa diiradda soo galay 2018-kii, balse waxaa lagu dhaqaaqay 2019-kii oo ciidan 5-7000 ah loo qaaday Eritrea, sida lagu faafiyey Barnaamijka Galka Baarista.

Tababarka ayaa markii hore uu qorshuhu ahaa in lagu sameeyo gudaha Somalia, balse fikirkaasi waxaa lagu xooray iskafaallaha iyadoo qorshaha loo rogey in ciidanka loo qaado Eritrea, waloow dhallinyarada loo adeegsadey xeelad jahawareerin ah oo ku saabsan in loo wado dhanka Qadar, taasoo soo jiidatey dhallinyaro badan oo shaqo la’aan ah.

Hadalsame Media