QISO QAMUUNYO LEH: Wuxuu la galay sawirro jacayl kahor intuusan xaaskiisa oo uur leh ka tuurin buur dheer + Sawirro

0

(Mugla) 17 Feb 2021 – Nin Turkish ah ayaa xaaskiisa oo xaamilo isku buuxda ah u wadey wax uu ugu sheegay sawirro romantic ah oo ay ku galeen buur fiiqeed in yar uun kahor intaanu halkaa ka tuurin si uu u qaato lacagta caymiska nololeed ee u saxiixnayd.

Hakan Aysal, 40-jir, ayaa xabsiga la dhigay isagoo ku eedeeysan dilka xaaskiisii Semra Aysal, 32-jir, iyo ilmihii caloosheeda ku jirey ee aan weli dhalan xilli ay dalxiis u joogeen Dooxada Balanbaalista oo u taalla magaalada Mugla, Turkey.

Aysal ayaa la sheegay inuu xaaskiisa oo lahayd uur 7 bilood ka badan ka xooray qarka sare ee buurta, iyagoo markiiba dhintay iyadoo uu shilkani dhacay Juun 2018-kii.

Lamaanaha ayaa sawirro ku galay qarka buurta, iyadoo ay dacwad oogayaashu haatan sheegeen in ninka oo markii hore arrinta shil u ekaysiinayey uu runtii u bareeray dilka xaaskiisa si uu u kaashto caymis nafeed uu geliyey qoyskiisa in yar kahor geerida Semra.

Ninkan ayaa laga shakiyey kaddib markii la ogaadey in uu saxiixay caymis dhan 400,000 oo Turkish Lira (£40,865 oo doollar) oo uu kaligii ahaa ninka qaadanaya haddii ay lacalla dhimato xaaskiisu.

Qoyska gabadha ayaa sheegay in markii ay Semra dhimatay uusan Hakan marna u muuqanin nin werwersan, iyadoo ay la yaab lahayd inuu gabadha oo ka cabsan jirtey meelaha sare uu u wado buur dheer qarkeed, sida ay dhegeysatey Maxkamadda Sare ee Dembiyada (Fethiye High Criminal Court) oo ku haysata inuu dembiga kas u agaasimey.

Hadalsame Media