(Washington, DC) 17 Feb 2021 – Maraykanka ayaa ogolaaday in Masar laga iibiyo hub ku kacaya $200m oo doollar waloow ay ballan qaadeen inay dib u eegayaan diiwaannada xuquuqul insaanka ee dalkaasi, kaddib markii uu gayfane Maraykan ihi uu ku cowday in isaga iyo qoyskiisa la dhibaateeyey.
Maamulka Biden – oo ballan qaaday inuu joojinayo taageerada uu Sucuudiga ku siinayey dagaalka Yaman dhulka dhigay isla markaana dib u eegaya hubka uu ka iibiyo Imaaraadka Carabta – ayaa misna 168 gantaal oo kuwa taatikada ah ka iibinaya Masar.
Gantaalahan oo ku kacaya $197m ayaa waxaa samaysa Raytheon waxaana la yiraahdaa Rolling Airframe Missiles waxaana lagu qalabaynayaa Ciidanka Badda Masar si sare loogu qaado muggooda ilaalinta xeebaha iyo Badda Cas.
Yeelkeede, ogolaanshahan oo ay samaysan Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ayaa meel marin uga baahan doonta Koongarayska Maraykanka oo Masar u arka “jaal istraatiji ah oo muhim u ah” danihiisa Bariga Dhexe.
Biden ayaa wacad ku maray mowqif ka yara adag midkii Donald Trump oo MW Abdel Fattah el-Sisi, ku tilmaamay “kali taliyaha uu ugu jecel yahay”, qayb ahaan iskaashiga uu la sameeyo Israel dartii.
(Hadalsame) 01 Dis 2023 – Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Henry Kissinger, oo kaalin mug leh ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda xilligii...