Markii ugu horreeysey taariikhda oo ay Khamiista dayuuradi tegeyso Meeraha Mars

0

(Washington, DC) 16 Feb 2021 – Walaalihii Wright ayaa dunida ugu horreeyey dad duuliya dayuurad matoorreey ah 1903-dii, haatan se hay’adda hawada sare ugu qaybsan Maraykanka ee NASA ayaa doonaysa inay taasoo kale markii ugu horreeysey ku tijaabiyaan meere kale: Mars.

Dayuuraddan oo dunida buluugga ah laga raray Maarso 2020-kii ayaa meeraha cas gaari doonta Khamiista soo aaddan, waana dayuurad yar oo ah nooca qumaatiga u kaca, waxaase hor yaalla caqabado badan oo ay ugu daran tahay jawiga aan naxariistan ee Mars, kaasoo 1% ka ah cufnaanta dhulka.

Waloow ay helakabtar tahay misna muuqaal ahaan waxay u qaab egtahay daroon yar, iyadoo culays ahaan gaaraysa 4 rodol (1.8 kg), balse waxay leedahay marawaxado ballaaran oo 5 jeer ka dhaqse badan kuwa caadiga ah – 2,400 wareeg ayay samaynayaan daqiiqaddii – marka la eego xoogga dunida looga baahan yahay in lagu qaado culayskan oo kale, waxaana sii taageeraya cufis-jiidadka Mars oo 1/3 uun ka ah midka dhulkan aynu ku nool nahay.

Dayuuraddan yar oo la yiraahdo “Ingenuity” waxay leedahay 4 cagood, 4 marawaxadood oo laga sameeyey miiqyo kaarboon ah kuwaasoo u abaabulan qaab ay ugu kala wareegayaan laba jiho oo cagsi ah, waxaana ku xiran 2 kaamiro, kambiyuutarro iyo agabka hagitaanka oo dareemayaal leh.

Waxaa sidoo kale ku xiran unugyo qorraxaad u cabbeeynaya beteriyada waxayna dabka in badan oo ka tirsan u adeegsanaysaa inay isku kululayso habeennada Mars oo aad u qabow iyadoo uu heerkulka hoos uga dhaco 90 digrii Celcius oo taban ama 130 digrii Fahrenheit oo taban.

Meeraha cas ee Mars oo ah midka dhulka ka hooseeya marka laga soo tiriyo dhanka qorraxda ayaa sanado badan xiise gelinayey cir-bixiyeenka caalamka iyadoo ay daraasaddiisu haatan socotey ilaa 6-toban sanaale si loo gaaro oo qura.

Hadalsame Media