Laacib caan ah oo usoo dheeley Juventus & Inter oo la xirey kaddib markii uu guri daroogo ku beeray

0

(Roma) 16 Feb 2021 – Xiddiggii hore ee caalamiga ah ee Luigi Sartor ayaa la xirey kaddib markii ay booliisku weerar ku qaadeen guri ku yaalley meel buur ah oo uu ku abuuray ilaa 106 geed oo ah xashiishka Marijuana, kaddib markii booliiska qish la gaarsiiyey.

Daafacan hore ee Sartor oo qaabka guryaha dhexdooda wax lagu beero ee loo yaqaan greenhouse xashiishkan u tabcayey ayaa sida lagu qoray Gazzetta waxay dadku ka shakiyeen nalal xoog badan oo meesha ka daarnaa iyo ”ur nooc gaara ahayd” oo kasoo gufaacaysey.

Sartor ayaa lala xirey nin 46-jir ah oo la yiraahdo Marco Mantovani, kaasoo sida lagu eedeeyey gacan ka siinayey sida loo beero marijuana ku filan in lasoo saaro 2 kg oo daroogadan ah.

Booliiska ayaa sheegay in markii lasoo wargeliyey ay kaddib ogaadeen in gurigaasi u baahday tamar dheeri ah iyagoo deeto kaamirooyin ku xirey jidka gala si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa.

Sartor began ayaa waayihiisa ciyaareed ka bilaabay Juve 1992, kahor intaanu u wareegin Vicenza, Inter Milan, Parma iyo Roma isagoo guud ahaan u dheeley 11-kooxood.

Sartor ayaa hantay 3 UEFA Cup oo uu 1990-meeyadii la kala qaaday Juve, Inter iyo Parma, halka uu xulka Talyaaniga u saftay 2 kulan oo saaxiibtinnimo 1998 iyo 2002, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa xulkii Olombikada ee 1996-kii.

Hadalsame Media