Shiinaha oo diidey inuu WHO la wadaago xogaha muhimka ah ee ku saabsan asalka Covid-19 (Shaki jira)

0

(Wuhan) 15 Feb 2021 – Shiinaha ayaa diidey inuu xogaha muhimka ah ee cudurka Covid-19 ee uu ka hayo asalka cudurka u diidey inuu ku wareejiyo hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ee arrintaa baaraysa.

Caalimka noolaha ili ma aragtada ah (Microbiologist) ee Dominic Dwyer ayaa u sheegay Reuters, Wall St Journal iyo New York Times, in kooxdoodu ay xogtaa codsadeen gaar ahaan kuwii laga qaaday bukaankii ugu horreeyey ee cudurka laga helay maadaama uu kasoo bilaabmay magaalada Wuhan.

Yeelkeede, wuxuu sheegay in Shiinuhu uu kaliya siiyey xog aad u kooban isla markaana aysan ka jawaabin eedihii loo jeediyey tiiyoo ay horay ugu adkaysteen inay si daah-furan ula macaamilayaan hay’adda WHO.

Todobaadkii tegey, kooxda ka socota WHO ayaa sheegtay in aan laga yaabin in cudurka coronavirus uu kasoo dusey shaybaar ku yaalla magaalada Wuhan, taasoo meesha ka saartay aragtida noocaas ah oo soo baxday sanadkii tegey, maadaama fayruska bilowgii halkaa lagu arkay dabyaaqadii 2019.

Cudurka ayaa kaddib dunida ku baahey isagoo ku dhacay 106 milyan oo qof, isla markaana ay ku dhinteen 2.3 milyan oo qofood. Xog qarintan ayaa shaki hor leh dhalinaysa.

Hadalsame Media