DF Itoobiya oo qiratay in uu kufsi tarab tarab ihi ka dhacay Gobolka Tigraay (Tirada la hayo)

0

(Addis Ababa) 15 Feb 2021 – Wasiirka DF Ethiopia ee Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada,  Filsan Abdullahi, ayaa todobaadkan xaqiijisay inay jiraan kiisas kufsi ah oo ka dhacay Gobolka Tigraay ee dalka Itoobiya.

Yeelkeede, wasiiraddu ma carrabaabin dhibanayaan iyo duruufaha ku hareereeysan ee uu kufsigu ku dhacay, sidoo kale ma aysan sheegin cidda kufsiga gaysatey ama loo haysto.

DF Itoobiya ayaa halkaa u dirtay koox-howleed uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Qaranka kuwaasoo haatan baaris ku wada diiwaannada la xiriira kufsi tarab tarab ah oo halkaa ka dhacay, si eedaysanayaasha sharciga loo hor keeno.

Warkan wasiiradda ayaa imanaya xilli ay ay Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ay soo saareen war sheegaya in gobolkaa lagu kufsaday haween ka badan 108 tan iyo markii weerarka lagu qaaday halkaasi, iyagoo sheegay inay tiradu intaa ka badan tahay maadaama ay badan yihiin meelaha aan la diiwaan gelin ama dhibanayaashu aanay soo dacwoonin.

Hadalsame Media